Ergayga Gaarka ah Ee Madaxweynaha U Qaabilsan Gurmadka Abaaraha Oo La Kulmay Danjiraha Canada.

Date:

Xubnaha safaaradda Kanada oo uu hoggaaminaayay xoghaya koowaad ee safaaradda ayaa warbixin ka siiyay Ergayga howlaha horumarinta iyo gargaarka isugu jira ee ay ku taageeraan Soomaaliya. Ergeyga oo dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Kanada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Kanada ee deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.

Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha horumarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’aadannimo iyo abaaraha iyaga oo intaas ka dib ka wada hadley siyaalaha kala duwan ee ay Safaaraddu gacan uga geysan karto sare u qaadidda wacyiga iyo muujinta sawirada dhabta ah ee heerka Abaarta iyo sidoo kale saameynta guud ee Kanada ku yeelan karto hayadaha iyo waddama laga filan karo in ay gacan ka geystaan Abaarta.
Dhammaad

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...