Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray xarumaha Ciidanka ka howlgala degaanka Bariirre.

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan degaanka Bariirre.

Ujeedka taliya uu halkaasi u tagay ayaa ahaa inuu u kuurgalo xaaladda guud ee bulshada iyo ciidanka ka howlgala tuulada Bariirre oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose iyo inuu ku dhiirri geliyo dagaalka ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab

Ciidanka ayuu ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku boorriyay inay gacan adag kula dagaallamaan kooxda nabad-diidka ah, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada.

Sidoo kale taliyaha ayaa kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degaanka Bariirre, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka maaddaama ay Carruurtooda iyo guryahooda ugu soo tageen inay naftooda iyo hantidooda ka badbaadiyaan cadowga.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...

Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...