Wafdi ka Socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo Gaaray Dhuusamareeb.+”SAWIRO”

Date:

Waxaa maanta Magalada Dhusamareeb ee Caasimad Galmudug garay wafdi balaran oo ka socda hey’adda Qaramada midoobe u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO oo u yimid indha-indheynta adeegyada Caafimaadka gaar ahaan ogaanshaha isbadalka uu sameeyay mashruuca Soler systemka ee hore looga hirgaliyay isbitaalka Xanaano, isla markaana loogu talagaley in loo adeegsado meshiinada niifta siiya bukaanada.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay shakiib xuseen madaxa qorsheynta xafiiska WHO ee Soomaaliya, ayaa ugu horeyn Kormeeray ishitaalada Dayax iyo xanaano oo ka mid ah xarumaha bixiya adeegyada ugu badan ee Caafimaadka Magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna si gaar ah maamulada isbitaaladan ka xog wareysteen baahida ay u qabaan helida awood koronto oo ka timaada nidaamka soler systemka, maadaama adeegsiga korontadu uu mararka qaar keeno qataro kayimaada korontada oo tagta xiliyada qaar.

Kormeerkan oo ay ku wehliyay Wafdiga WHO, Agaasimaha Guud ee wasaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayay si gaar ay ugu indha-indheeyeen qaybaha isbitaalka Xanaano ee laga hirgaliyay Mashruuca Solar System-ka kaasi oo bukaano badan ka caawiyey in ay helaan oxygen kufilan, isla markaana suura-galiyey in adeegyada isbitaalku bixiyo noqdaan kuwo joogta ah oo badbaado u noqday bukaano badan.

Mas’uuliyiinta WHO oo ugu dambeyn la geeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo madaxda Xafiisyada Wasaaradda oo goobta kusoo bandhigey warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada guud ee caafimaadka Galmudug.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

SNTV

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...