Madaxweyne Ahmed madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Date:

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay caleemo saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo shirkii Golaha wadatashiga Qaranka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...