Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qaabishay Wafdi kasocday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO).

Date:

Muqdisho-13-6-2022-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud iyo Qeybaha Wasaaradda ayaa qaabilay Wafdi ballaaran oo kasocday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ee Bariga iyo Bartamaha oo uu Hogaaminayay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee
Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Ujeedada booqashada Wafdiga ayaa ku aadanayd sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan xoojinta Hanaanka Adeega Caafimaadka Asaasiga ah ee dalka iyo sida ugu habaoon ee looga faa’iidaysan karo horumarka tiknoolajiyada casriga ah ee la xiriirta Caafimaadka taasoo kor usii qaadi karta awooda adeegyada Caafimaaadka ee bulshada.

Wafdiga ayaa ka kooban 2 qeybood oo kala ah qeybta Iskaashiga hawlaha Tallaalka Covid-19 (COVID-19 Vaccine Delivery Partnership) iyo Xarunta WHO ee hal-abuurka (Innovation Hub).

Khubarada wafdiga la socotay ayaa boooqday Shaybaarka dhexe ee qaranka, Isbitaalka DeMartini iyo Xarunta Caafimaadka ee Dagmada Wabari halkaasi oo ay ugu kuur galayeen qaabka adeegyada Caafimaadka ay usocdaan iyo Caqabadaha jira ee u baahan in lawada wajaho xiligaan.

Wafidiga ayaa kulamo shaqo oo gaar gaar ah laqaadanaya qeyba kamida Wasaaradda gaar ahaan qeybta Tallaalka Guud iyo Shaybaarka Qaranka, waxeyna diirada saari doonaan arimaha la xiriira sidii looga faa’iidaysan lahaa Isticmaalka hananaka tamarta waarta ee laga dhaliyo soolarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...