Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya.

Date:

Muqdisho-Juun-13-2022 Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Sacuudiga uga mahadceliyay garab istaaggeeda Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan hadda iyo xilliyadii adkaa ee dalku soo maray, isagoo rajeeyay in xiriirka labada dal uu sii wanaagsanaado ka dib doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo mudnaan gaar ah siinaya sara u qaadista xiriirka walaalnimo iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay Sacuudi Carabiya.

Dhankiisa Safiir Axmed Bin Maxmed Almuwalad ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee dalka loogu soo dhaweeyay iyo wadad shaqeyntii wanaagsaneyd, isagoo sheegay in Boqortooyada Sacuudiga iyo hoggaankeedu diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dhinac kasta, si gaar ah gurmadka dadka abaartu hayso, dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safiirka guddoonsiiyay billaddo sharaf uu ugu talo galay safiirkii hore ee Sacuudiga u qaabilsanaa Soomaaliya mudane Maxamed Khayaad, sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu billad sharaf guddoonsiiyay xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka iyo arrimaha bani’aadminimada oo kaalin weyn ka qaadaneysa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...