Madaxweynaha JFS oo ganacsato Soomaliyeed oo ka soctay dalka Kenya kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.

Date:

MUQDISHO-JUUN-12-6-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay  xalay Villa Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.

 

 

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu Madaxweynuhu  dhawaan ku dhawaaqay, isagoo uga mahadceliyey dadaallada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.

 

 

Ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.

 

Ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay siweyn uga qeyb qaayeen gurmad loo sameeyay dad ay Gudaha Soomaaliya ku saameeysay abaar ka dhacday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...