Madaxweynaha JFS oo ganacsato Soomaliyeed oo ka soctay dalka Kenya kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.

Date:

MUQDISHO-JUUN-12-6-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay  xalay Villa Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.

 

 

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu Madaxweynuhu  dhawaan ku dhawaaqay, isagoo uga mahadceliyey dadaallada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.

 

 

Ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.

 

Ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay siweyn uga qeyb qaayeen gurmad loo sameeyay dad ay Gudaha Soomaaliya ku saameeysay abaar ka dhacday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...