Ergayga Gaarka ah Arimaha Bini’aadanimada oo Kulan Laqaatay Safaaradda Jarmalka.

Date:

rgeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan qadka fogaan aragg aha la yeeshay deeq bixiyeyaasha fadhigoodu yahay Nairobi.

Kulanka oo uu soo agaasimay Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha ayaa bogaadiyey masuuliyadda Madaxweyne Xasan Sheekh iska saaray gurmadka abaaraha iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergeygu u dhaqaajiyay howlahan, ayaa caddeeyay in dawladiisu ay xil iska saarayso gacan siinta Soomaaliya. Wuxuu safiir ku xigeenku sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeen Soomaaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro.

Ergayga oo Dowladda Jarmalka iyo dawladaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu heellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baqanayo in ay macluul isu beddesho.

Ergeyga ayaa intaas kadib ku tirtirsiiyay kasoo qeybgalayaashu in ay kordhiyaan tageeradooda dhaqaale Isla markaana ka gacan siiyaan sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.

Danjireyaasha ayaa ballanqaaday in ay ku dedaali doonaan in dowladahoodu kordhiyaan gacan ka geysashada abaaraha Soomaaliya iyaga oo Dhanka kalena tilmaamay in ay aad u daneynaynayaan wax ka qabashada sababaha iyo helista xal waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...