Madaxweynaha Jabuuti, Ra’isul wasaariyaasha Masar iyo Ethiopia oo soo gaaray Muqdisho +Sawirro

Date:

Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo ka qeybgalaya xafladda caleemo-saarka madaxweynaha 10 aad ee Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha dalka Masar Mustafa madbuuli iyo wefdi uu hor kacayo ayaa kamid ah mas’uuliyiinta heerka sare ee ka qeybgalaysa xafladda, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaana garoonka ku qaabiley wufuudaas kala duwan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JABUUTI  ISMAACIIL CUMAR GEELE OO SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO, WAXAA SOO DHAWEEYAY RA’ISUL WASAARE MAXAMED XUSEEN ROOBLE

RA’ISUL WASAARE ROOBLE OO GAROONKA DIYAARADAHA KU SOO DHAWEEYAY DHIGIISA DALKA MASAR MUSTAFA MADBUULI MAANTA OO KHAMIIS AH, WAXAA UU KA QEYBGALAYAA CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA 10 AAD EE SOOMAALIYA

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...