Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga Caleemasaarka Madaxweyne Hassan sheikh.

Date:

Muqdisho-Juun-7-6-2022:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Amniga Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis taasi oo dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Bulshada Caasimada ayaa looga codsaday shirkaan in dulqaad iyo adkeesi ay muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, taasi oo Caasimada ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...