MUQDISHO-JUUN-2022-:7 bisha Juun oo ku beegan maanta Talaado ah ayaa la filayaa in magaalada muqdisho ay soo gaareen madax kala duwan oo isagu jiro madaxweynayaal ,Ra’isul wasaarayaal iyo sidoo kale madax kala duwan kuwaasi oo ka qeyb-geli doono caleema saaraka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa 9 bishaan maalinta qamiista ah.
Garoonka Aadan Cade waxaa ku sugan xubno ka mid ah golaha wasiiradda ,xildhibaano ka tirsan labada aqal ee barlamaanka dalka kuwaasi oo ka mid ah guddiga loo saaray qaban qaabada caleemo saarka madaxweynaha JFS.
15 bishii lasoo dhaafay dalka waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha JFS waxaana ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad hogaaminayo Soomaaliya.