Kooxo Burcad Koonfur Africaan ah oo xalay dilay Muwaadin Soomaaliyed.

Date:

MUQDISHO-JUUN-7-6-2022-:Wararka Naga soo gaaraya  Dalka South Africa gaar ahaan Magaalada Cape Town  ayaa sheegaya In  xalay halkaas  Lagu dilay Allaah  Hau Naxariistee  Muwaadin Soomaliyed oo lagu magacaabi jiray Cali Mohamed Hassan  kaas oo kamid ahaa Ganacsatada mudada Badan dalkaas ku ganacsan jirtay.

 

 

Marxuum Cali Mohamed Hassan oo ku magac dheeraa (Balaakii), ayaa  aad caan uga ahaa Magaalooyinka  Cape Town ilaa Johannesburg.

 

Burcad hubeeysan ayaa Marxuumkaan  si bareer ah u toogtay, isagoo ku dhex jiray Gaarigiisa Rootiga uu ku wareejin jiray, iyagoo intaa ka dibna goobta isaga baxsaday, mana jirin wax dhac ah oo ay u gaysteen.

 

Maalmo ka hor ayeey aheed markii Kooxo Hubeesan oo burcad Konfur africaan ah ay Isla Magaalada Cape Town Xafad katirsan ay ku dileen Labo Muwaadin oo Soomaliyed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...