Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala.

Date:

Muqdisho June, 06, 2022 – Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UNHCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.

Waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, isla-markaana loogu diyaar diyaar garoobi lahaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ku soo wajahan.

Ergaygu wuxuu kaloo kulan la yeeshay Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii uu Bankiga u gacan sii lahaa xalka waara ee dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, loona dardar gelin laahaa taageerada Bangiga ee mashruucyada degdega ah.

Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Baanka adduunka ayaa ballan qaaday in ay dadaalkooda laban-laabayaan, degdegna ugu istaagayaan wax ka qabashada abaaraha. Ergeyga waxaa masuuliyadihiisa ka mid ah, dardar gelinta iyo raadinta taageero loo fidiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...