Wasaaradda Caafimaadka DGKGS oo daahfurtay Olalaha Talaalka Cudurka Dabeysha.

Date:

Muqdisho-Juun Axad 05/06/2022:- Wasaradda Caafimadka DGKGS ayaa Maanta si rasmi ah ugu daahfurtay Magalada Baydhabo wareegii sadexaad ee talaalka Dabeysha (mOPV3).

Furitaanka Munaasabada waxaa ka soo qeybgaley Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah Agaasime waxeedyada, shaqaalaha kale ee Wasaaradda iyo wakiilo ka kala socdey Hay-adaha UNICEF iyo WHO.

Qaar kamid ah Masuuliyiintii ku sugnaa madasha ayaa shaqaalaha fulinaya Talaalka waxaa ay kula dardaarmeen in ay ku dadaalaan sidii talaalka ay u gaarsiin lahaayeen tiro badan oo caruur ah si looga hortago Cudurka Dabeysha.

Intaasi ka dib waxaa talaalka si toos ah ufurey islamarkaasna goobta hadal kooban ka soo jeediyey Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Dhibatada uu leeyahay Cudurka Dabeysha loona baahan yahay in Dadka ay ku baraarugaan in caruurtooda ay qaataan Talaalka Dabeysha, waxaa kale uu balan qaaday in ka wasaarad ahaan ay sii wadi donaan dadaalkooda si loo cirib tiro cudurka Dabeysha o dhibaato weyn ku haaya caruurteena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...