Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Date:

Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro, iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa gaaray Haatan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne Hassan Sheikh Waxaa Dhuusamareeb ku soodhaweeyey si heer sare ah Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaaladas Ku nool.

Dad badan ayaa madaxeynaha uga hortagay garoonka diyaradaha magaaladaas.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta  aad loo adkeeyay , waxaana sidoo kale hareeraha waddooyinka la suray boorar uu ku dhegan yahay sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Waa Magaalo madaxdii labaad ee maamul goboleedyada dalka ka jira uu booqday Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud tan iyo markii 15kii Bishii hore la doortay.

Safarkii kan ka horeeyey ayuu madaxweynaha ku tagay Magaalada Baydhabo oo maanta ka soo kicitimay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...