Pakistan oo ka codsatay Taliban inay dhexdhexaadiyaan urur ka dagaalama dalkooda.

Date:

MUQDISHO-2-6-2022-Dowladda Pakistan ayaa arbacadii u dirtay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, wafdi ka kooban 50 xubnood oo ah oday dhaqameedyo kala duwan, si ay ugala xaajoodaan ururka Talibanta Afghanistan, sidii wakhtiga loogu kordhin lahaa, heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee u dhexeeyey ururka Taliban ee ka dhisan dhinaca Pakistan iyo dawladda Pakistan, kaas oo wakhtigiisii dhamaaday toddobaadkan aynu ku jirno, sida ay xaqiijiyeen laba sarkaal oo dhanka ammaanka ah.

 

Wada-hadallo ay yeesheen labada dhinac bishii November ee la soo dhaafay ayaa horseeday xabbad-joojin dhex-martay Talibanta ka dhisan dhinaca Pakistan iyo dawladda Pakistan, waxaana wadahadaladaas hore waxaa dhex-dhexaadin ka galay madaxda sare ee ururka Taliban ee fadhigoodu yahay dalka Afghanistan.

 

Ururka Taliban ee ka dhisan dhinaca Pakistan oo loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan ama TTP ayaa ah koox gooni ah oo ka madax banaan ururka Taliban ee ka dhisan dalka Afghanistan hase ahaatee labada urur ayaa xulafo dhow ah.

 

Ururka Talibanta Pakistan ayaa muddo 14 sano ah wuxuu dagaal kula jiray dawladda Pakistan, isaga oo u dagaalamayey in la adkeeyo lana xoojiyo ku dhaqanka shuruucda Islaamiga ah ee dalka Pakistan, sii deynta xubnahooda ku jira gacanta dowladda iyo in la dhimo joogitaanka ciidamada Pakistan ee ku sugan goobaha ay ku xooggan yihiin.

 

Xabbad-joojintii u dhexeysay ururka Taliban-ta Pakistan iyo dawladda Pakistan ayaa dhammaatay Salaasadii toddobaadkan, hase ahaatee wadahadaladaasi marna ma suuro gelin in si buuxda loo dhaqan geliyo waxyaabaha lagu heshiiyey.

 

AP

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...