Wasiirka Beeraha Galmudug oo Magaalada Dhuusamareeb ka dhagax-dhigey dhismaha xafiisyada Cusub ee wasaaraddaasi.

Date:

Wasiirka Wasaaradda beeraha, dhirta iyo daaqa Galmudug, AxmedNuur Xaaji Cusmaan oo Ay wehliyaan Gudoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka Galmudug Cabdulahi xirsi, Agaasimaha guud ee wasaraddaha Qorsheynta Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Dhuusamareeb, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Federaalka iyo madaxda mashruuca Biyoole ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhagax dhigay xafiisyada wasaaradda beeraha oo laga dhisayo xaruntii hore ee daaqa qaranka.

Mashruucan oo uu maalgalinayo Banka Aduunka, qaybna ka ah Barnaamijka hormarineed ee Biyoole ayaa waxaa qaybtiisan dhismaha Xafiisyada wasaAradda beeraha kawaramey Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta Abdullahi Omar Adan.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi-Salaad Cali Cabdi iyo Gudoomiyaha Dhuusamareeb Geedaqoroow ayaa sheegay in howshani qayb ka tahay dadaalada dib loogu dhisey xarumo dhowr ah oo ay yeesheen wasaraddaha qaybta ka ah Mashruuca Biyoole.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...