Wasiirka Beeraha Galmudug oo Magaalada Dhuusamareeb ka dhagax-dhigey dhismaha xafiisyada Cusub ee wasaaraddaasi.

Date:

Wasiirka Wasaaradda beeraha, dhirta iyo daaqa Galmudug, AxmedNuur Xaaji Cusmaan oo Ay wehliyaan Gudoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka Galmudug Cabdulahi xirsi, Agaasimaha guud ee wasaraddaha Qorsheynta Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Dhuusamareeb, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Federaalka iyo madaxda mashruuca Biyoole ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhagax dhigay xafiisyada wasaaradda beeraha oo laga dhisayo xaruntii hore ee daaqa qaranka.

Mashruucan oo uu maalgalinayo Banka Aduunka, qaybna ka ah Barnaamijka hormarineed ee Biyoole ayaa waxaa qaybtiisan dhismaha Xafiisyada wasaAradda beeraha kawaramey Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta Abdullahi Omar Adan.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi-Salaad Cali Cabdi iyo Gudoomiyaha Dhuusamareeb Geedaqoroow ayaa sheegay in howshani qayb ka tahay dadaalada dib loogu dhisey xarumo dhowr ah oo ay yeesheen wasaraddaha qaybta ka ah Mashruuca Biyoole.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...