MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAR KALE KU BAAQAY IN GURMAD DEGDEG AH LALA GAARO DADKA AY ABAARUHU SAAMEEYEEN.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu ka soo gaartay masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqday iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la dardargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladdu dhowaan magacowday ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa booqashada ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...