Dowladda Soomaaliya oo maanta deeq raashin ah ku wareejisey guddiga gurmadka abaaraha ee maamulka hirshabeelle.

Date:

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka XFS  ayaa maanta  deeq raashin ah ku wareeyjisey guddiga gurmadka abaaraha ee Maamulka Hirshabeelle.

Deeqdaan oo  ka timid dowladda Imaaraadka Carabta ayaa loogu tala galey  dadka abaaruhu ku Saameeyeen ee  ku kala sugan Gobalada Dalka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gargaarka Maareynta iyo masiibooyinka Xukuumada Soomaaliya mudane Ahmed Abuukar Axmed ayaa ku wareejiyey deeqdaan raashinka ah
Guddiga gurmadka abaaraha Hirshabeele oo uu horkaceyey Wasiirka Arimaha Gudaha Hiirshablle.

 

Waxaa lagu wadaa in Deeeqdaan loo qeybiyo ilaa kun qoys oo ku sugan deeganada hirshabeele, Agaasime axmed wali ayaa sheegey in maalmaha soo socda dadka danta yar ee baaruhu sameeyeen la gaarsiin doono deeqdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...