SAWIRRO:Laamaha Amniga Degmada Deyniile oo xalay gacanta ku dhigay Dad isticmaalayey Maandooriyaal iyo Ciyaalweero.

Date:

Ciidamada Amniga Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir sida Nabad sugida,Booliska oo kaa shanaya Maamulka degmadaas ayaa xalay Howlgalo dad badan lagu qabtay Waxa ay ka sameyeen dhamaan xaafadaha Degmadaas.

 

Howlgalkaan waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha cusub ee dhawaan degmadaas loo Magacaabay Abdishakuur Abuukar Macalin iyo Taliyaasha Amniga Degmadaas.

 

Baaritaanadaan waxaa lagu soo qabtay  Dad isticmaalayey Maandooriyaal iyo Ciyaalweero kuwaas oo qayb weyn ka ahaa amni darada mararka qaar ka dhacda Degmadaas.

 

 

Gudoomiyaha  Degmada Deyniile ayaa yiri:Waxaan Bulshada ku nool Degmada Deyniile  kula dardaarmaynaa in ay nalaga shaqeeyaan sugida amniga iyo xasiloonida,Waxaan si gaar ah uga codsanaynaa waalidiinta dhalay dhalinyarada ku howlan falalka amniga lidi ku ah in ay caruurtooda kawarqabaan.

 

Gudoomiyaha oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay la dagaalami doona wax walba oo Amniga Degmada wax u dhibaya sida:

  1. Ciyaal weerada.
  2. Maandooriyaha
  3. Nabad diidka.
  4. Tuugada umada dhacda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...