Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada oo safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo.

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo.

Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.

 

U-jeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenla Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.

 

Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ku soo barakaceen dadka ugu badan ee ay xoolihii iyo beerihii noloshoodu ku tiirsanayd abaaruhu waxyeeleeyeen.

 

Ergeyga ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...