Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo oo haatan gaaray Magalaada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Date:

Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka  iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa gaaray Haatan Magaalada baydhabo ee Gobolka Baay.

 

Wafdiga Madaxweyne Hassan Sheikh Waxaa Baydhabo ku soodhaweeyey si heer sare ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Laftigareen iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaaladas Ku nool.

Dad badan ayaa madaxeynaha uga hortagay garoonka diyaradaha magaaladaas.

 

Ammaanka Magaalada Baydhabo oo Caasimad KMG ah u ah Maamulka koonfur galbeed ayaa aad loo adkeeyay Maanta , waxaana sidoo kale hareeraha waddooyinka la suray boorar uu ku dhegan yahay sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...