Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo oo haatan gaaray Magalaada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Date:

Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka  iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa gaaray Haatan Magaalada baydhabo ee Gobolka Baay.

 

Wafdiga Madaxweyne Hassan Sheikh Waxaa Baydhabo ku soodhaweeyey si heer sare ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Laftigareen iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaaladas Ku nool.

Dad badan ayaa madaxeynaha uga hortagay garoonka diyaradaha magaaladaas.

 

Ammaanka Magaalada Baydhabo oo Caasimad KMG ah u ah Maamulka koonfur galbeed ayaa aad loo adkeeyay Maanta , waxaana sidoo kale hareeraha waddooyinka la suray boorar uu ku dhegan yahay sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...