AGAASIMAHA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MADAXTOOYADA OO XILKA KALA WAREEGAY AGAASIMIHII HORE

Date:

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ka warbixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee Waaxdu ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka dowladda, waxa uuna Eebbe uga baryey Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Cabdirishiid Maxamed Xaashi shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...