Israa’iil oo muwaadiniinteeda uga dhigtay in ay u safraan Turkiga

Date:

Israa’iil ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Turkiga, iyadoo sabab uga dhigaysa hanjabaadda Iran ee ah inay u aargudi doonto dilkii toddobaadkii hore loo geystay Kornaylkii Ciidamadda Ilaalada Kacaanka ee Iraan.

 

Tehran ayaa ku eedaysay Israa’iil dilka Hassan Sayad Khodai, kaasoo ay laba qof oo mooto watay ay ku toogteen isgoo kujiro gaarigiisa.

 

 

 

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in Tehran laga yaabo in ay raadinayso in ay waxyeello u geysato Israa’iiliyiinta ku sugan Turkiga oo ay ku tilmaameen “dal khatar sare leh.”

 

Turkiga ayaa ah meel ay u dalxiis tagaan Israa’iiliyiinta, kadib markii ay hagaajinayeen xiriirkooda ka dib in ka badan 10 sano oo xiriirkoodu ahaa mid xumaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...