Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska soomaaliya oo maanta xariga ka jaray Dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka.

Date:

Waxaa Maanta Xaflad kooban ay ka dhacday Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka taas oo lagu soo kordhiyay Dhisme cusub oo maanta la daah furay.

 

Munaasabadaan oo aheyd mid xariga looga jarayay Dhismaha xarunta ciidanka ilaalada wadooyinka oo dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka amniga gudaha XFS,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka ilaalada wadooyinka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda gaadiidka .

 

Masuuliyiintii ka qaybgalay Munaasabada ayaa ku amaanay Taliska Ilaalada Wadooyinka shaqada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, waxaana ay sheegeen in furista Xaruntaan ay wax badan ka badali doonto habkii ay u socon jirtay shaqooyinka Bulshada loo hayo.

 

Wasiirka Amniga XFS Abdulaahi Mohamed Nuur ayaa sheegay “ in Caqabadaha jira ay kamid tahay  in Masuuliyiinta Dowlada aysan aad u Ixtiramin Shuruucda Wada marista waxaana ugu baaqay  in ay ilaaliyaan Nidaamka Wadooyinka”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...