Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada oo kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed

Date:

Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Howlaha Gargaarka iyo Horumarinta ayaa xalay  kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

Wafdiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay deeq raashin ah oo hay’addu u qaybisay 3000 oo qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

 

Deeqdan ayaa qayb ka ah Mashruuca Taageerada Sugnaanta Cunnada Dalka oo ay taageerayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqortooyada Sucuudiga, waxaana looga jawaabayay baahiyaha ka dhashay abaaraha baaxadda leh ee jira dalka.

 

Hay’adda Tadamun ayaa qayb weyn ka qaadatay dadaalada socda ee loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay, iyadoo mashruucan ka fulisay dhammaan dowlad goboleedyada DFS.

 

Ustaad Cismaan Abshir oo wafdiga hoggaaminayay ayaa sheegay in Deeqdan Raashinka ah ay isugu jirto Bur, Bariis, Sonkor, Saliid, iyo Baasto, qoys kastana la siiyay 67Kilogram.

 

Sidoo kale waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo wadashaqaynta dowladda qaybeheeda kala.

 

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Gargargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka DFS, Xarunta Boqor Salmaan iyo Hay’adda Tadamun dadaalka iyo taageerada ay la garabtaagan yihiin dadka Soomaaliyeed xilligan adag.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS,...