Ergayga gaarka ah Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka abaaraha iyo wasiirada Gargaarka dowladd goboleedyada oo kulmay.

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa xalay kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha iyo Wasaarada Gargaarka ee XFS.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashaan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu halakeeyeen.

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wadashaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka.

Ugu danbayn, Ergeyga iyo Wasiirrada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...