MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU DHAWAAQAY HINDISAHA SHAQO ABUUR QARAN IYO HINDISAHA QARAN EE DHALLINYARADA SOOMAALIYEED.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoraynta dalkeenna.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxa ay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey in ay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka, si xal waara loogu helo caqabadaha waaweyn ee haysta dalkeenna iyo dadkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo...

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...