Ciidamada DANAB oo howlgal ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ka fuliyey deegaano katirsan gobolka Baay.

Date:

Ciidamada Danab ee xoogga Dalka Soomaliya  gaar ahaan ururka 4aad guutada 16aad ayaa howlgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab waxa ay ka sameeyeen  degmada Buurhakaba  iyo degaano hoostaga kuwaas oo katirsan Gobolka Baay ee maamulka KGS.

 

Ciidamada ayaa intii ay wadeen howlgaladaan  sigaar ah waxa ay u  baarayeen Guryaha iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howlgala degmada Buurhakaba iyo degaanka Ceelbashiir oo 10km u jira degmadaas.

 

Saraakiil katirsan Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in sidoo kale ay Ciidamadu howlgallo gaar ah ka fuliyeen dhulka howdka ah ee degmada Buurhakaba, halkaas oo mararka qaar lagu arko Maleeshiyaadka  Al-Shabaab .

 

Saraakiil katirsan Danab ayaa sheegay in ciidamada Baritaanadaan ku soo qabteen xubno lagu tuhmaayo in ay xiriir la leeyihiin maleeshiyaadka nafla-caariga ah ee Al-shabaab.

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...