Madaxweyne Hassan Sheikh maxamuud oo u magacaabay Mudane Hussein Macallin Maxamuud lataliyihiisa Amniga Qaranka.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

 

Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Lataliye Sare oo dhanka Amniga iyo Ladagaallanka Argagixisada ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, isagoona ka soo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...