DHAGEYSO:Ciidamada amniga Galmudug oo baadi goob ugu jira maleeshiyaad dad shacab ah dilal ugu geystay Gobolka Galgaduud.

Date:

Laamaha Amniga Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka galmudug ayaa Saakay Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay kawadaan deegaano katirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud oo Maleeshiyaad hubeysan dilal ugu geysteen dad Shacab ahaa.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa ay aanooyin qabiil laba qof oo Shacab ahaa ugu dileen degaan lagu Magacaabo Ceelasha biyaha oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Ballanbal ee Gobolka Galgaduud kadibna ay goobta ka baxsadeen

Ciidamada howlgalka wada ayaa waxaa hoggaaminaya mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale, waxaana ay sheegeen inay rajo weyn ka qabaan soo qabashada ragga dilalka u geystay labada ruux.

Wariyaha Warbaahinta qaranka ee degmada cabudwaaq Abdikariin ahmed bulxan ayaa kawaramaya howlgaladaan iyo xaaladaha deeganadii dilalka ay Ka dhaceen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...