SAWIRRO:Maamulka Dhuusamareeb iyo bulshada magaaladaas oo deeq xoolo ah gaarsiiyey ciidamada qalabka sida.

Date:

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada reer Dhuusamareeb ayaa deeq xoolo nool ah oo ay ugu talagaleen ciidamada qalabka ee ka qayb galay howlgalkii dhowaan ka dhacay Dhuusamareeb ku wareejiyay Duqa Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo isla goobta ku gudoonsiiiyey Saraakiisha talisyada kala duwan ee ciidamada.

Xoolahan oo ka kooban dhowr iyo toban neef oo geel ah ayaa qayb ka ah sida odayaashu sheegeen dhiirigalinta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa amisom ee kawada qayb galay howlgalkii dhacey 13-kii bishan oo looga hortagay duulaan maleeshiyaad isi soo abaabuley ku doonayeen in ay ku carqaladeeyaan amniga Caasimada.

Dhiirigalintan ayay waxgaradka reer Dhuusamareeb ku micneeyeen in ay tahay abaal marin ka timid bulshada reer Dhuusamareeb oo ay Ciidamada kaga mahad celinayaan howlgalkan, isla markaana ay dhiirigalinayaan firfircoonida ka muuqata howsha ay har iyo habeenba u taagan yihiin ee sugida amaanka.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa deeqdan si rasmi ah u gudoonsiiyey saraakiisha Ciidamada

Col. Bashiir Ciise Taliyaha guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad iyo G/sare qaliif Cabdulahi Maalin Taliyaha Qaybta guud ee Booliiska Galmudug ayaa wakiilnimada dhamaan ciidanka qalabka sida ku gudoomey deeqdan xoolaha ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...