MADAXTOOYADA OO KEYD QARAN U DIIWAAN-GELISAY XOGTA WARBAAHINEED EE VILLA SOOMAALIYA.

Date:

Muqidsho, May 23, 2022; Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay iclaaminaysaa in xogta warbaahineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagala socon doono, maanta laga bilaabo, bogagga rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ee mareegta internetka iyo Baraha Bulshada.

Sidoo kale, waxaa Keyd Qaran noqday xogta ku jirta Baraha rasmiga ah ee Madaxtooyada oo ilaa haatan lagu keydiyey xogta-warbaahineed ee Madaxtooyada tan iyo bishii May ee sanadkii 2011-kii, taas oo dhaxal u ah jiilasha Soomaaliyeed, muraayadna u ah taariikhda iyo dowladnimada dalkeenna.

Agaasinka, Madaxda iyo hawlwadeennada Madaxtooyada waxa ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka la wareegay, waxa ayna muujinayaan sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan dhismaha dowladnimada iyo difaaca danaha shacabka Soomaaliyeed

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...