Madaxweyne Hassan sheikh oo maanta xilka kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo.

Date:

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Xilalka ku kala wareegaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni  iyo  Madaxweynihii hore  ee xilka kasii dagaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafladda  xil wareejinta ayaa lagu wadaa in goordhaw bilaabato waxaana Lagu wadaa in ay Ka Qeybgalaan Madaxweynayaasha  xilalka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, Taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbado koo kooban ka jeedin doona munsaabadda xil wareejinta iyo xubnaha kale ee lagu marti qaaday.

 

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la doortay 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkii 2017-kii waxaana uu xilka haayay in ka badan 5 Sano.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...