Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Kulankaan oo ka dhacay Guriga Madaxwaynaha ayay labada mas’uul uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii dawladda Imaaraadku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Khamiistii  gaaray Abu Dhabi ayaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka la lahaa kulammo diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaalnimo ee labada dal ee walaalaha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ciraaq

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafa...

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qaabilay wafdi ka socda hawlgalka AUSSOM

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...