DAAWO:Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku soo dhigay madixii argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada magaalada Marka.

Date:

Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed  gaar  ahaan ururka 14 octobar ee guutada 14aad ee  fadhiggoodu yahay magaalada marka ee gobalka shabeelaha hoose ayaa Howlgal ku soo qabtay horjooge ka tirsan Maleeshiyadka Al-shabaab.

Hawlgalkan ayaa waxaa hogaaminaayey taliyaha ururka 14 aad ee guutada 14aad October Gaashaanle Cabdiraxiin maxmed muunye ayaa sheegay in hawlgalkan lagu soo qabtay Madaxii miinistaha Nabadiidka kaas oo lagu magacabo Aweys Mayow Axmed oo Afgarashadiisu ay tahay Aweys eelaay.

 

Dhaqarqabe Aweys Eelay ayaa markii la soo Qabanayey ku hawlanaa sidii uu u Aasi lahaa miino taas oo ah nooca  dhulka lagu aaso.

 

Sidaan oo kale dhowr mar  ciidamada xooga dalka iyo kuwa koonfur galbeed waxa ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad katirsan Argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo ku Howlanaa wax yeeleynta bulshada Somaliyeed .

Daawo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...