Shirarkii u socday dowladda Federaalka iyo Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka oo la soo gabagabeeyay.

Date:

Muqdisho, May 21, 2022- Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shirar iyo kullamo uu shir guddoominayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka u socday toddobaadkaan. Shirkii ugu dambeeyay ayaa maanta Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda la yeesheen Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

Bangiga Horumarinta Afrika, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha cusub ayaa ka wadahadlay sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhammeystirka howlaha deyn cafinta iyo sidoo kale ay xoojin donaan wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda ee caalamiga ah.

Waxaa Madaxweynaha oo uu Wasiirka Maaliyadda weheliyo horrey shirar muhiim ah ula qaateen Madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo dhammaan si guul ah ku soo dhammaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...