SAWIRRO:Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Galgaduud oo maanta gaaray Dhuusamareeb.

Date:

Cilmi-Salaad Cali Cabdi Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud oo magacaabistiisii kadib maanta Dhuusamareeb soo gaaray ayay dadwayne farabadan iyo Mas’uuliyiin kusoo dhaweeyeen garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur.

Duqa Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Cabdi Xaashi Caroole, Saraakiisha Ciidamada kala duwan iyo agaasimayaal ayaa Gudoomiyaha Gobolka u muujiyey in laga sugayo isbadal maamul iyo shaqo balaaran oo laga qabto gobolka, gaar ahaan iskuxirka maamulada degmooyinka gobolka ee mudaba ahaa kuwo aan hoos imaan Gudoomiye gobol iyo qorsheynta howlaha gobolka ka socda ee aan looga maarmin in laga jaheeyo xafiiska guud ee gudoonka Gobolka.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ku hadlayay afka gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Galgaduud ayaa soo dhaweyn kadib sheegay in safarka gudoomiyaha gobolku kusoo beegmay xili guul laga gaarey ka hortagida rabshadihii hubeysnaa ee lagu carqaladeynayay amniga Caasimada iyo deegaanada ku xeeran.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Cilmi-Salaad Cali Cabdi ayaa u mahad celiyay dadka soo dhaweeyay.

Gobolka Galgaduud oo gudoomiye la’aan ahaa wax ka badan 3-dii sano ee lasoo dhaafey ayaa iminka yeelanaya maamul gobol oo ay si toos ah uga amar qaadan doonaan maamulada degmooyinka kaasi oo uu dhawaan magacaabey Madaxwaynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...