Dowladda Ruushka oo sheegtay in ay isku soo dhibeen ciidamo badan oo ukraine katirsan.

Date:

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen illaa 959 askari oo u dhashay dalka Ukraine, ciidankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey ee ku sugnaa aagagga difaaca ee magaalada dekedda ah ee Maripul.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa saxaafadda u sheegay in tiradan ay ku jiraan illaa 694 oo ciidan ah oo isasoo dhiibay 24-kii saacadood ee u dambeeyey.
Saraakiisha dalka Ukraine may xaqiijinin tiradaasi.

Wasiirka ku xigeenka difaaca ee Ukraine Anna Malyar ayaa sheegay in ka badan 260 dagaal yahan inay ka tageen burburka wersheddii birta ahayd ee Azevstal, iyaga oo isu dhiibay ciidamada Ruushka.

Ruushku wuxu hawlgalkaas ku tilmaamay is-dhiibis aad u ballaahan, hase ahaatee Ukraine ayaa dhinaceeda ku sheegtay tallaabadan in ciidamada Ukraine inay dhamaystireen hawshii loo igmaday.

Ma cadda waxa ku dhici doona dagaalyahannada Ukraine. Sarkaal Ruush ah ayaa shaki galiyay in maxaabiista la is weydaarsanayo.

Dagaal xoogan oo dhowr bil socda ayaa labadaan dowladdood ku dhexmaray qeybo badan oo katirsan dalka ukrain kuwaas oo dad badan wax yeelo ka soo gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...