Galmudug oo Caawa shaacisay magacyada 36-qof oo Galmudug u aqoonsatey dambiilayaal.

Date:

Taliska Booliiska maamulka Galmudug ayaa Caawa shaaciyey magacyada 36-qof oo Galmudug U aqoonsatey in ay yihiin dambiilayaal, kuwaa oo la Farey laamaha amniga ee Galmudug iyo Muumalada kaleba in ay gacan ka geystaan soo Qabashadooda.

Ragan la baadi goobayo ee baxsadka ah waxaa Ugu horeeya sida qoraalka la baahiyey ku cad Hoggaamiyihii kooxda la baxdey Ahlusunna Sheikh Shaakir iyo 35 kamid ah horjoogayaashii Ciidankiisa.

Xubnahan la shaaciyey ayaa qayb ka ahaa Horjoogayaasha baxsadka ah ee kooxda la baxday Ahlusunna oo qaarkood lasoo wariyey in ay Gaareen Deegaanada Puntland, halka kuwo kale u firxadeen Muqdisho iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Maalmo ka hor kooxdaan ayaa weerer culus ku Qaaday Magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo waxyeelo ka soo Gaartay Dad Shacab ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...