Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS oo maanta la wareegay Deegaanka Ceel baraf ee gobolka shabeeladda Dhexe.

Date:

Wararka naga soo gaaraya deegaanka ceel Bara fee gobolka shabeelada dhexe ee maamulka Hiirshabelle ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo garab sanaya  kuwo Xooga Dalka  Soomaaliya iyo maamulka Hiirshabelle ayaa dib ula wareegay degaankaas oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laba todobaad ka hor ay la wareegeen Argagixisada Maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Ka hor la wareegitaanka degaanka Ceelbaraf Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa jirtay inay madaafiic ku duqeeyeen degaanka, waxaana diyaaradaha kuwa Qumaatiga u kaca ee Helacopter-ka ay ku dageen Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.

Dadka degaanka Ceelbaraf ayaa ku waramaya in Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan kana yimid dhinaca degaanka Miirtuugo ay iyana soo galeen degaanka Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen argagixisadii Al-Sbabaab.

Ciidamada Dowladda iyo howlgalka ATMIS ayaa wada baaritaano lagu baadi goobayo argagixisadii maleeshiyaadkooda kuwaas oo ku firxaday baadiyaha deegaankaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...