Finland oo go’aansatay inay ku biirto NATO

Date:

Finland ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay in ay dooneyso in ay xubin ka nqoto gaashaanbuurta ANTO, tani oo dib u habeyn ku sameyneysa dheelitirka awoodda ee Yurub kadib tobanaan sano oo aysan ku jirin isbahaysiyo militaryi.

Madaxweyne Sauli Niinisto ayaa isaga oo Helsinki ku sugan ugu yeeray tallaabadan mid taariikhi ah. “waa cusub ayaa baryay,” ayuu yiri kahor inta uusan u gudbin mooshinkaasi in uu baarlamaanku ansixiyo.

 

Tallaabada Finland, oo la filayo inay soo raacdo Sweden oo ay deris yihiin, ayaa ka careysiisay Kremlin-ka oo sheegay in aysan jirin sabab ay dalalka gobolka Nordic u cabsadaan, wuxuuna ballan qaaday jawaab.

Russia ayaa sahayda korontada ka jaratay Finland, oo ay wadaagaan xuduud dhan 1,300 kilometer taasi oo keentay in maamulayaasha dalkaasi ay weydiistaan Sweden taageero.

Dhawaaqa Finland ayaa yimid xilli ay sirdoonka reer galbeedku sheegeen in militariga Ruushka ay khasaare xooggan ka soo gaartay dagaalka Ukraine.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...