Saraakiil katirsan ahlusunna oo xalay isku dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa galmudug.

Date:

Gudoomiyaha Degmadda Guriceel ee maamulka galmudugย  Faarax Fataate ayaa Warbaahinta Radio Muqdisho u xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsanaa Ahlusunna oo wata Gaadiid dagaal ayย  xalay isku soo dhiibeen dhankooda.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Saraakiisha Ciidamadan hoggaminayay ay kamid yihiin Cabdullahi Cabdi Raage, Abdul Rooble iyo xubno kale kuwaa oo watay 4 tikniko ah iyo Ciidamo gaaraya 60 Askari.

Masuuliyiinta Dowladda waxa ay sheegeen in wadahdal kadib laisku fahmay isa soo dhiibista Ciidamadda iyo Gaadiid dagaal ee ay wateen,taas oo keentay kadib markii kooxdaan lagu jabiyey weerer ay jimcihii ay ku soo qaadeen magaalada dhusamareb ee caasimada galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha...

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir...