Shacabka Janaale oo loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtirayo Argagixisada

Date:

Taliye Ku-xiggeenka Ururka 84aad, guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Labo Xidigle Calli Mahdi Cabdi ayaa shacabka Janaale kula dardaarmay in kaalintooda ay ka qaataan dagaalka lagu Ciribtirayo argagixisada Kooxda Alshabaab.

Wuxuu si qoto dheer bulshada Janaale ugala hadlay muhiimadda ay leedahay in ay qeyb weyn ka qaataan sugida amniga deegaanka iyo dagaalka lagula jiro nabad-diidka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Labo Xidigle, Cali Mahdi Cabdi ayaa shacabka deegaanka Janaale ee gobola Shabeellaha Hoose ku amaanay sida ciidamada xoogga ugala shaqeeyeen in laga hortago dhagarta ay Bulshada iyo ciidankaba u maleegaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka aya xaqiijiyay amniga deegaankaas oo hadda ka caagan falalka guracan ee nabad-diidka, waxayna dadka ku hoos nool yihiin harka nabada iyo Dowladnimada.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa dhaqan xumada ay u geystaan shacabka ku waayay kalsoonida shacabka, taas oo keentay in xiriirka shacabka iyo argagixisada uu xumaado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...