Wasiirka Caddaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergayga QM u qaalbilsan Soomaaliya

Date:

Wasiirka caddaladaa Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane  Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qm u qaalbilsan arrimaha Soomaaliya, sidoo kalana ah isku duwaha arrimaha bini aadanimada Adam Abdelmoula.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caddaaladda oo kulanka qayb ka ahaa ayaa wafdiga ka socday Qm uga warbixiyey howlaha Baaxada leh ee Wasaaradu u hayso Bulshada Soomaaliyeed

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay  dardargalin iyo horumarinta hay’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka u qaalbilsan dalka iyo sii la isaga kaashan lahaa taageerada lagu tayeynaayo dhamaan Hey’adahan.

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay ku bixiyaan horumarinta Hey’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka.

Wasiirka Caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyey Madaxda QM ee Soomaaliya sida ay u garab taagan yihiin Hey’adaha caddaaladda, isaga oo ka codsaday inay sii laba jibaaraan taageeradooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...