Taliyaha Ciidanka xoogga oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Guri-Cel

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha Guutada 15-aad iyo Taliyaha qaybta 21-aad ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer Guri-Cel oo ay kawada hadleen howsha ciidanka qalabka sida ay kawadaan deegaanka iyo guulaha laga soo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay ee dib gacanta dowlada loogu soo celiyay degmadan, taasi oo sida waxgaradku sheegay soo af jartay hubanti la’aantii amni ee bulshadu wajahayeen.

Janeraal Odawaa Taliyaha Xoogga ayaa reer Guri-Cel ku bogaadiyay shaqada adag ee ay la qabteen ciidanka qaranka iyo kuwa Galmudug mudadii uu socday dagaalkii Guri-Cel, isagoo tilmaamey in howshaasi qayb ka aheyd waajibaadka ciidanku u xil-saaranyahay ee isugu jirta ilaalinta xuduudaha iyo ka hortagida cadawga gudaha iyo kan dibada.

Waxgaradka reer guriceel ee la kulmay Taliyaha xoogga iyo saraakiisha kale ayaa goobta ku wareejiyay 10-neef oo geel ah, raashin iyo cabitaano ay ugu talagaleen dhiirigalinta ciidanka amniga.

Guddoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa balan qaaday in bulshada uu hoggaamiyo sii wadi doonto taageerida ciidanka.

Janeraal Cabdi Jaamac Maxamed (Cigaal) Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka xoogga dalka ayaa mahad celin kadib, adkeeyay in ay wali ku jiraan Ciidamadu heegan ay kaga jawaabi doonaan in la hubiyo kala dirida kooxda hubeysan ee laga saarey Guri-Cel.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...