Muwaadiniin Mareykan ah oo lagu afduubtay Haiti

Date:

Koox burcad ah oo ka howlgasha dalka Haiti ayaa lacag Malaayiin dollar ah ka dalbaday dowlada Mareykanka si ay usii daayaan Wadaaddo masiixiyiin ah oo u dhashay dalkaasi oo ay afduub ahaan u heestaan.

Burcadan hubeesan ayaana dhawaan wadadaan masiixiyiinta ah ka afduubtay caasimada dalka Haiti ee Port-au-Prince , waxayna dalbadeen si ay usii daayaan lacag gaareysa 17 milyan oo dollar.

Wasiirka Caddaaladda Haiti, Liszt Quitel, ayaa sheegay, in ay socdaan wadahallo ay saraakiisha dowladda la leeyihiin kooxda burcadda ah ee  afduubatay muwaadiniintay Mareykanka u dhashay oo tiro ahaan gaaraya 17 ruux.

Waxa uu sheegay Wasiirka in kooxdan burcadda hubeesan oo isku magacawday 400 Mawozo ay dalbadeen lacag 17 milyan oo dollar ah, waxa uuna xusay in qofkiiba ay ka rabaan hal milyan oo dollar.

Dowlada Mareykanka ayaan wali ka hadlin dalabkan kasoo yeeray kooxda burcada hubeesan ee afduubka u heesta muwaadiniinta u dhashay Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...