AMISOM oo tababar u furtay Askar ka tirsan Boliiska Koofur Galbeed Soomaaliya

Date:

Taliska Booliska AMISOM ayaa magaalada Baydhabo ugu furtay 25 sarkaal oo ka tirsan Boliiska maamul goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya.

Tababarkan oo socon doona muddo Todobaad ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay ka hortagga falalka Argagixisada, is-dhaafsiga xogaha, baadi goobka iyo soo qabashada tuhmanayaasha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Col, Amiin Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in koorsadan ay sare u qaadi doonto awoodda Boliiska Koofur galbeed, si ay ula dagaallamaan Argagixisada iyagoo kaashanaya bulshada.

Bisong Ejue, oo ka tirsan saraakiisha AMISOM ee tababarka bixineysa ayaa sheegay in la dagaallanka Argagixisada iyo ilaalinta bulshadu ay tahay mudnaanta koobaad ee uu siminaarkani u leeyahay Booliska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...