Madaxweyne Erdogan oo gaaray Nigeria

Date:

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa  gaaray Magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria,socdaal kooban oo uu ku marayey saddexda dal eek ala ah Angola, Togo, iyo Nigeria.

Madaxweyne Erdogan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nnamdi Azikiwe ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Geoffery Onyeama, Wasiirka Caasimadda Federaalka Muhammad Musa Bello, Safiirka Nigeria u fadhiya Turkiga Ismaaciil Yuusuf Abba iyo Safiirka Turkiga ee Nigeria Hidayet Bayraktar.

Wafdiga la socda madaxweynaha waxaa ka mid ahaa marwada koowaad Emine Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Fatih Donmez, Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar, Wasiirka Ganacsiga Mehmet Mus, Omer Celik, Afhayeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Turkiga (AK) Party, AK Party Guddoomiyaha Arrimaha Dibadda Efkan Ala, Agaasimaha isgaarsiinta Fahrettin Altun iyo afhayeenka madaxtooyada Ibrahim Kalin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo lagu...