Afar Nin oo Walaalo ah oo ku geeriyooday Ceel biyood ay ku dhaceen

Date:

Afar Nin oo walaalo ahaa ayaa isku mar ku geeriyooday ceel biyood ay ku dhaceen, kaas oo ku yaalla tuulada Hora-hawd oo u dhaw magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

Allaha u naxariistee Raggan ayaa ku geeriyooday Ceel kuyaal Togga Faafan kaasi ahaa mid ay iyaga qodeen si ay Biyo uga cabaan, balse halkaas ayay si wada jir ah ugu geeriyodeen xilli ay doonayeen inay ku waraabiyaan beer ugu taalla gudaha Toga Faafan.

Ehellada Afartan nin ee dhintay ayaa sheegay in saacado kadib markii ay ceelka ku dhaceen la ogaaday, kadib markii uu kusoo wargeliyay mid kamid ah Shaqaalaha Beerta.

Bulshada degaanka Faafan ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay Ceelka kasoo saaraan Meydadka Afarta Nin oo ku jiray in ka badan lix saacadood, waxaana islamaanta lagu Aasay Tuulada Hora-hawd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....